Burundi oo sheegtay in ay ku dadaaleyso in ciidankeeda aysan ka bixin Somaliya

Dowladda Burundi ayaa wadda dadaal ay ku dooneyso in la hakiyo bixitaanka Kun Askari oo ka socda dalkeeda kuwaas oo laga saarayo Soomaaliya.

Danjiraha Dalka Burundi ee Adis ababa Dieudonne Ndabarushimana, ayaa sheegay in dowladdiisu ay hadda dood sharci ah la hortageyso Guddiga amniga iyo nabad gelyada ee Midowga Afrika.

Arrintan ayuu sheegay in dowladdiisu ay u fududeyneyso kaddib markii ay xubin ka noqotay 14kii Bishan Guddiga amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo saddexdii Sanaba mar la doorto.

Waxaa uu sheegay in dowladdiisu ay hadda u ololeyneyso sidii kunka Askari ee baxaya looga qaadi lahaa dhamaan waddamada ku jira howlgalka AMISOM ee aan lagu koobin Burundi kaligeed.

Golaha amaanka ee qaramada Midoobey ayaa sanadkii hore meel mariyay qaraar faraya in AMISOM ciidankeeda ay qeyb qeyb uga baxaan Soomaaliya ilaa sanadka 2021ka.

Waxaa Bishii December ee sanadkii 2017kii baxay 1,000 Askari,halka 1,000 kale oo la qorsheeyay in ay baxaan 28ka Bishan lagu koobay Burundi oo kali ah.

Dowladda Burundi ayaa arrintaas u aragta beegsi si gaar ah iyada loogu geysanayo waxaana ay hadda ku howllantahay in arrintaas ay ka laabtaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey.

Mustaqbal media

Recent Posts

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

1 hour ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

4 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

4 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

4 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

15 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

17 hours ago