Beledweyne: Qarax lala beegsaday Ciidanka Jabuuti

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Jabuuti qarax lagula beegsaday gudaha Magaalada.

Qaraxa oo la sheegay in uu Miino ahaa ayaa ciidamada Jabuuti Gawaari ay wateen ku qabsaday Xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Beledweyne.

Lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay Qaraxa maanta lala beegsadya Ciidamada Jabuuti,iyada oo qaraxa kaddib la sheegay in Ciidamada ay Rasaas rideen.

Axaddii ayey ahayd kaddib markii Labo Askari oo Reer Jabuuti ah ku dhinteen qarax lagula beegsaday Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale Korontada ayaa la sheegayaa in ay ka go’day Magaalada Beledweyne Qaraxa kaddib iyada oo sharikadda korontada siisa Magaalada la sheegayo in uu qaraxa saameeyay.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

6 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

9 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

10 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

11 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

11 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

11 hours ago