Bayern Munich ayaa waxay diyaar u tahay in ay ilaashato laacibka Robert Lewandowski madaxa fulinta ee kooxdaas Karl-Heinz Rummenigge ayaana ka dhawaajiyay in 150 milyan oo Yuuro xataa aysan ku gadi doonin laacibkan.
Weeraryahanka dalka Poland ayaa wuxuu doonayaa in uu isaga dhaqaaqo Bavaria ha yeeshee Rummenigge ayaa sheegaya in ay dadku ka warqabi karaan sida loo ilaashaday Franck Ribery oo ku biiri rabay Real Madrid 10-sano ka hor.
“Waxaan leennahay xeelad saldheer oo aan kooxaha kaga duwannahay,” Halyeeygii reer Jarmal ayaa u sheegay Tz.
“Sida Franck, waxaan la kulmeynay cadaadis ka imaanaya Chelsea iyo Real. Franck ayaa sidoo kale u muuqday mid doonayay in uu halkan ka tago balse waan diidnay in aan iibinno.
“hadda waxaan ku jirnaa qorshe aan ku farxad gelineyno laacibkan, wuxuu gurigiisa ka dhigtay Franck halkan Bavaria iyo magaalada Munich. Waxay aheyd go’aan farxadeed.
“Waa in la helaa go’aan kaas la mid ah oo uu la yimaado. [Lewandowski] oo halkan waqti fiican ku qaadanaya.
“Aad ayaan ugu qanacsannahay laacibkeenna, isaga ayaa xoogaa cabasho ah qaba, annaguna ma dooneyno in uu inaga tago; dhib malahan haddii 100m ama 150m oo yuuro miiska lasoo saaro xataa kuma dooneyno.
“Tan iyo markii aan goosannay in Franck uu sii joogo 2008 waxaan ku fakarnay in ciyaartoydeenna oo dhan aan ilaashan karno: ciyaartoyda tayada sare leh waxay sii joogi doonaan Bayern Munich.”
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…