Kooxda Barcelona ayaa xalay markale guul kuso gaartay garoonka Wembley oo ay ku booqdeen kooxda Tottenham.
Guud ahaan qeybtaas hore ee ciyaarta ayaa waxaa maamulayay Barcelona halka Tottenham maqane jooge ay ahaayeen .
Sidaas oo ay tahay mar ayay si dhab ah ugu sigteen Tottenham in ay gool helaan balse goolhayaha Barca ayaa diiday.
Tottenham oo u muuqatay kuwo aan u soo diyaar garoobin kulankaan ayaa goolka kowaad ee laga dhaliyay waxaa u sabab ahaa qalad dhanka daafaca ah .
Barca ayaa kulankaan soo gashay iyaga oo ka cararaya guul la`aan ku hubsatay kooxda kulankoodii 4-aad tan iyo sanadkii 2009-kii , waxa uuna goolka Ivan Rakitic noqday goolkii 600 ee Barcelona ee tartamada yurub (European Cup)
Messi ayaa ahaa qeybtaas hore askariga aan muuqan oo kubadaha meel fog fog ayuu ka soo dusinayay , wax ayna Barca ahaayeen kuwo goolal dheerad ah laga filan karo qeybta labaad.
Qeybta labaad , Barca gool 3-aad ayay baadi goobayaan balse Tottenham waa ay foojignaanaayeen waxa ayna taasi badalkeeda heleen gool aad u qurxoon waxaana daafaca Barca hawada sare u diray Harry Kane kaasi oo shabaqa ku husbaday kubadda daqiiqaddii 52-aad.
Balse goolkaas ma daahin maadaama Barca kubad dar dar ay ciyaareysay waxa ay heleen gool 3-aad waxaana saxiixay Messi xilli kubada goolkaas ay ku timid uu isag soo dhistay waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqaddii 56-aad.
Inkastoo Messi shaqo wacan uu hayay hadana Tottenam kama muuqan wax niyad jab ah waxa ayna ka shaqeynayeen in ay kubadaha dhisaan.
Xil xaalka sidaas ahaa , Tottenham waxa gool labaad u dhaliyay Erik Lamela waxa ayna aheyd daqiiqaddii 66-aad xilli goolkaas oo uu aad u qurxoonaa waxa uuna ahaa mid la filaneyn waxa ayna ka dib Tottenham ku sigteen gool 4-aad oo qaladkiisa uu lahaan lahaa goolhayaha.
Ka dib dhacdooyinkaas ,waxa ay ciyaarta noqotay mid deg degsiimo leh mana jirrin koox si gaar ah cagta ugu hoyeysay kubadda xilli dhamaadkii ay labaad koox soo bandhigeen kubad sareysa balse Messi ayaa gool labaad dagaal ugu jiray kaasi oo uu helay daqiiqadii 90-aad waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay 4-2
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…