Maamulka Galmudug ayaa sheegay in uu la xisaabtamayo Sanatarrada aqalka sare ku matala Maamulkaas,kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay u dhaqmayaan sida dowladda Federaalka ah.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Maxamuud Cismaan Masagga-waa, ayaa sheegay in war-saxaafadeedka ka soo baxay aqalka sare ee ay kula talinayeen Galmudug uu u muuqdo ama la mid yahay war-saxaafadeedkii ka soo baxay Dowladda Federaalka ah.
Masagga-waa, ayaa sheegay in la gaaray xilligii Maamulka Galmudug uu la xisaabtami lahaa xildhibaannada aqalka sare ku matala,kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay gabeen shaqadoodii.
Maamulka Galmudug ayaa waxa ka taagan khilaaf siyaasadeed dib u dhigay howlihii dowladnimo ee dadka degaankaas ka filayeen maamulkooda.
Waxaana xubno xilalka iska qaaday oo ah madaxda ugu sarreysa Galmudug ay ku kala suganyihiin Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…