Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay inay iska iibiso Paco Alcacer kuna iibiso lacag dhan 27 milyan oo ginni.
Alcacer ayaa dhaliyay 15 gool tartamada oo dhan labadii sano uu u joogay Barcelona, lakiin weeraryahanka ayaa loo arkaa inuu yahay ciyaaryahan yar oo aan fursan ka heleynin Ernesto Valverde.
24 jirkaan ayaa weli heysta seddex sano oo qandaraaskiisa ah oo uu ku joogo Camp Nou, lakiin waxa ay u muuqataa in kooxda reer Catalan inay dooneyso inay lacag kaash ah ku iibiso ciyaaryahanka mustaqbalka dhow.
Sida laga soo xigtay Marca, kooxda heysata horyaalka La Liga ayaa isku diyaarineysa inay dalab u dirto oo dhan 27 milyan oo ginni .
Kooxaha Leicester City iyo Everton ayaa la sheegay inay xiiseynayaan ciyaaryahanka, halka kooxdiisii hore ee Valencia ay diyaar u tahay inay isku daydo inay la soo wareegto weeraryahanka.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…