Saabiriin Axmed Shariif, waa 12 jir, waxa ay kamid tahay Carruur lagu daryeelo xarunta xannaanada carruurta ee Dr Kadare oo ku taal degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.
Hooyadeed waa Naafo, Aabaheed Axmed Shariif (Ahun) waxa ay noo sheegtay in uu kamid ahaa muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku dhintay qarixii isgoyska Zope oo 14-October-2017, ka dhacay magaalada Muqdisho
Saabiriin waxa ay kamid ahayd carruur ka qaybgashay warbixin muuqaal ah oo Mustaqbal media oo ku baahisay barta Facebook todobaadyo ka hor, warbixintaas muuqaalka ah waxaa ka daawaday Barta Mustaqbal media 32 kun oo qof, waxaa isla wadaagay 274 qof, Dadkii daawaday waxa kamid ahaa Abuukar Macallin Cabdulle oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Talyaaniga.
Arrinta cajiibka ah ee nagu dhalisay in aan qoraalkan daabacno ayaa ah in Abuukar Macallin Cabdulle isaga oo qurbaha kunool uu ka damqaday dhibaatada gaartay Saabiriin Axmed Shariif iyo carruurta lamidka ah, sidaas awgeedna uu garowsaday in uu wax uun taro gabadhaas yar.
Abuukar kaddib markii uu daawaday muuqaalka warbixnta Mustaqbal media, waxa uu la soo xiriiray Suxufiga Munasar Maxamed Cabdi oo ay saaxiib yihiin, waxa uu ka codsaday in uu $50.00 (Konton Dollar) ka gaarsiiyo Saabiriin Axmed Shariif.
Munasar ayaa la soo xiriiray Mustaqbal Media kaddibna waxa aan siinay xiriirka maamulka xarunta, isaga oo Kontonkii Dollar gaarsiiyey Saabiriin si ay ugu ciiddo.
Dareenkaas ayaa muujinaya in damiirka iyo dadnimada Soomaaliyeed ay meel fiican joogaan, balse ay u baahan tahay siyaasad deggan iyo hoggaan fahamsan sida loo kala hormarin karo xalka dhibaatada haysta guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Waxa lagayaaba in la isweydiiyo maxaa laga qorayaa Konton Dollar oo qof soo dhiibay, waxa weyn ee sheekada ku jiraa waa laba arrimood oo aad muhiim u ah
Awoodda Warbaahinta waxa loo adeegsan karaa dib u dhiska dalka iyo Dadkaba.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…