Waa Baasaboor shaabadeysan oo Kenyan ah, Dowladda Kenya ayaa baaritaan ku haysa sida Sargaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu ku helay dhowr Baasaboor oo Keyan ah iyo Kaarka aqoonsiga dhalashada kuwaas oo ay taariikhaha dhalashadu ay is khilaafsan yihiin iyo midka uu isticmaalo marka uu dibadda u safrayo
Dowladda Kenya ayaa baaritaan ku haysa sida Sargaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu ku helay dhowr Baasaboor oo Keyan ah iyo Kaarka aqoonsiga dhalashada kuwaas oo ay taariikhaha dhalashadu ay is khilaafsan yihiin.
Mr: Axmed Fahad Daahir, kuxigeenka agaasimaha hay’adda Nabadsugigga Soomaaliya ayaa haysta Baasaboor Kenyan ah oo Lambarkiisu yahay C024542 iyo Kaarta aqoonsiga haybta ama dhalashada oo isna Lambarkiisu yahay 22847167 waxaana Baasaboorkaas iyo Kaarkaas hadda ku socda baaritaan.
Kaarka Aqoonsiga Soomaaliya
Mr Daahir/ Fahad Yaasiin waxaa uu sheegay In uu ku dhashay Mandheera 19-July-1978,iyada oo kaarkiisa aqoonsiga Soomaaliga ah uu helay 13-July 2017,kuna qorantahay in uu ku dhashay Soomaaliya.
Laakiin sida ay muujisay faahfaahinta kaarkiisa Aqoonsiga ee Kenya waxaa uu dhashay 5tii April 1978, Dukumiintigaasna waxa laga soo saaray Bariga Mandheera sanadkii 2001dii.
Madaxa laanta Socdaalka, Hubinta Soohdimaha iyo dad dhigidda Sarreeye Guud (Rtd) Gordon Kihalang’wa, ayaa Isniintii xaqiijiyay in ay baaritaan ku billaabeen arrintaas,waxaana uu ka gaabsaday in uu faah faahin dheeraad ah bixiyo.
“Waxa aan helnay xogtan,waxaana isku dayeynaa in aan ogaanno sida Dukumiintiyadan uu ku helay shaqsigaas “ ayuu yiri Mr Kihalang’wa,
Muwaaddinnimada
Qodobka 14aad farqadiisa 1aad ee Dastuurka Kenya,waxaa uu sheegayaa in qofka uu muwaaddin yahay haddii uu ku dhashay Kenya,xitaa haddii labadiisa waalid midkood uusan Kenyaan ahayn.
Agaasimaha laanta Socdaalka Alexander Muteshi ,ayaa isaguna arrintan xaqiijiyay waxaana uu sheegay in baaritaan ay ku hayaan.
“Kooxdeenna baaritaanka ayaa sax ahaanshaha Dukumiintiyadan mar horeba billowday Baaritaan,waxa aan ogahay ayaa ah in sharciga Soomaaliya uu la mid yahay Midka Kenya, qofkana qaadan karo laba dhalasho balse waxaa ay su’aasha ka taagan tahay habka sarkaalka sare uu ku helay isaga oo waliba xil sare ka haya Soomaaliya”.
Kenya dadkeeda waxaa mamnuuca ka ah in qofka heysta labo dhalasho uu xil sare ka qabto Dalka.
Qaxootinnimada
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Kenya, Mr Muteshi,ayaa sheegay in ay suuragal tahay in Fahad uu kaarka iyo Dukumiintiga helay xilligii Soomaalida ugu badan ay ku qaxeen Kenya ee 1990.
Source: Daily Nation
David Mwere
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…