Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in dhibaatooyinka Dunida ka jira ay ugu daran yihiin xaaladaha ka dhashay Covid-19 iyo dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine 24kii Febaraayo 2022.
Antonio Guterres ayaa sheegay in Covid-19 dunida uu u sababay dhibaato dhaqaale kaddib markii xayiraadda ka dhalatay ay joojisay dhammaan dhaqdhaqaaqii Ganacsiga iyo isu gudubka Dadka guud ahaan Caalamka.
Waxa uu intaas ku daray in iyada oo lagu mashquulsan yahay xaaladda kasoo kabashada dhibaatada Covid-19 uu ku reebay Dunida inteeda kale in Ruushka uu duullaan ku qaaday Ukraine 24kii Febaraayo 2022.
Dagaalkaas ayuu sheegay in natiijada ka dhalatay ay hoos usii dhigtay halgankii dib usoo kabashada maadaama uu joogsaday gargaarkii laga dhoofin jiray Ukraine oo la gaarsiinayay waddamada xaaladaha bani aadamnimo ay ka jiraan.
Ganacsiga Dalal dhowr ah ayuu sheegay in uu istaagay si lamid ah Gargaarka Bani aadamnimo oo ay iibsan jirtay Hay’adda Cunnada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP, taasina ay markale dib usoo celista halistii kahortagga lagu sameynayay.
“Dhibaatooyinka Dunida ka jira waa kuwo laga dhaxlay Covid-19 & Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, qorsha ku habboon ee lagu joojin karo waa in xal loo helaa dhibaatooyinkaas taagan” Antonio Guterres Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Ruushka oo kamid ah 5 waddan ee joogta ah ee Qaramada Midoobay ayaa weerar ku qaaday Ukraine oo xad wadaag ay yihiin si ugu hor istaago in ay ku biiraan Isbaheysiga NATO, Xukuumadda Kyiv oo garab istaag ay u muujiyeen waddamo kala duwan ayaa ku adkeysatay in ay ku biireyso NATO.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…