Kumanaan Carruur ah ayaa la ildaran xaalad nafaqo-darro oo ku heysata Soomaaliya kaddib markii saameyn taban ku reebtay Abaarta waqti dheeraatay ee Dalka ku dhufatay, Goobaha Caafimaadka ayaa qaarkood la jiifiyay Carruurtaas si loo daweeyo.
Waalidniinta Carruurta nafaqo-darrada heysata ayaa sheegay in ay geeyeen goob weliba oo ay u arkaan in ay ku heli karaan Daryeel Caafimaad si ay baxnaano ugu helaan Carruurtooda oo duruufo caafimaad lasoo ildaran.
Xeryaha qaar oo ay degen yihiin Dadka Abaarta kasoo barakicisay Deegaannadii ay beeraha ku tacbanayeen ama Xoolaha ku dhaqanayeen waxaa laga hirgeliyay Qabuuro lagu aaso Carruurta joogtada ugu geeriyoota nafaqo-darrada.
Ijaabo Xasan oo la hadashay CNN TV waxa ay sheegtay in aysan helin fursad ay ku muujiso murugada carruur uga geeriyootay Nafaqo-darro balse waxa ay diiradda saartay sidii ay u badbaadin lahayn carruurta kale oo iyaga qudhooda aanay heysan daryeel wanaagsan.
“Carruur 4 jir & 5 jir ah ayaa iga geeriyootay kaddib markii nafaqo-darro ka dhalatay abaarta haleeshay, waxa aan kasoo barakacay Buurhakaba Gobolka Bay, ma helin fursad aan ugu murugoodo carruurta iga geeriyootay waayo waxa aan diiradda saaray nolosha carruurta kale” ayay tiri Ijaabo Xasan.
Nuurto Cali Xuumey waa Hooyo la tacaaleysa Inanteeda oo xaalad Macluul ah wajaheysa lana geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka si loogu helo daryeel, waxa ay tilmaamtay in dhacdooyin kala duwan oo murugo leh ay jiraan.
Zamzam Maxamed oo ah madaxa Xero ay degen yihiin Dad kasoo barakacay Abaarta waxa ay sheegtay in isla kaamamka in lagu aasay Carruur nafaqo-darro u geeriyootay, waxa ay intaas ku dartay in Dadkaan aanay helin gargaar joogta ah.
“Gees ilaa gees waxaa ku aasay Carruur u geeriyootay Nafaqo-darro, aniga Hooyo ayaa ahay oo waxa aan dareemayaa xannuun ah xaaladda Dadkaan heysata, waxa aan la qalbi gubanayaa cunno la’aanta heysata” Zamzam Maxamed.
1.5 Milyan oo Carruur oo da’doodu ka yar tahay 5 sano ayaa xaalado nafaqo-darro ku heysataa Gobollada Dalka iyo deegaannada Duleedka Muqdisho ah, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Dadkaas gargaarkii loo qaadi lahaa uu saameeyay dagaalka u dhaxeeya Ruushka & Ukraine.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…