GUDAHA/wararka

Hal Milyan oo Xujey ah oo u jiheystay Buurta Carafo.

Hal Milyan oo Xujey ah ayaa saakay ka socdaashay Magaalada Mina oo waxa ay u jeedaan Buurta Carafo si ay ugu gutaan Rukniga ugu weyn ee Xajka, waxa ay buurtaas saarnaanayeen ilaa gabbalka uu ka dhaco.

Xujeyda qaarkood way lugeynayaan (Cagahooda ayay maalayaan), qayb ayaa saaran Gawaarida Basaska ah, Tareennada & kuwa yar, halka Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba lagu wado Baaskiillada loogu talagalay.

Wasaaradaha Caafimaadka & Xajka oo kaashanaya Shirkadaha Gaarka iyo maamulka Boqortooyada u qaabilsan arrimaha Xajka & Cumrada ayaa diyaariyay Gawaarida Gurmadka degdega ah, kuwo Biyo wada iyo diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka loo yaqaan.

Hadda muhiim ceynkee ah ayay leedahay Maalinta 9aad ee Dul-Xijjah?

Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo la hadlay Mustaqbal ayaa Fadliga Maalintaan ku tilmaamay mid weyn, isaga oo sheegay in uu Alle ku dhaartay 10ka Maalmood taasina ay muujineyso ajirka dheeriga ah uu alle Adoomadiisa ku siinayo.

Sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in Soonka 9ka Maalmood ee Dul-Xijjah oo sunno ah uu qof weliba inta uu ka sooma uu ajir ka heleyo, waxa uu ku baaqay in la kordhiyo Qur’aan Aqrinta & Ducada oo muhiim ah.

“Bisha Carafo tobanka ugu horreeya fadli gaar ah ayay leeyihiin, alle ayaa ku dhaartay Suuratul-Fajri in ay ahmiyad leeyihiin maalmahaan, waa fursad loogu talagalay in ay ka faaiideystay maxaa yeelay adduunyadu waa daar lagu shaqeysto oo wixii halkaan lagu shaqeysto ayaa halkaas lala tagaa, Salaadaha, Soonka & kheyr weliba oo la qabto Maalmahaan alle waxa uu ku siinayaa ajir dheeraad ah” Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan.

10ka Dul-Xijjah oo ku beegan berri oo Sabti ah (09-July-2022) waa maalin kale oo Muslimiinta ay Ciidayaan iyaga oo sameynaya Udxiyada (Gowraca Xoolaha) & waxyaabaha kale ee laga rabo in ay sameeyaan Maalintaas.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

11 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

16 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

18 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

18 hours ago