Magaalada Nara ee dhacda Galbeedka Japan waxaa lagu toogtay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaas Shinzo Abe sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Dowladda iyo Dadka Deegaanka oo dhacdadaan goobjoog u ahaa.
Ra’iisul Wasaare Shinzo ma laha wax dhaqdhaqaaq ah waxaana la geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka si uu u helo daryeel Caafimaad, waxaana la xadiday warbixinnada la xiriira helista xogtiisa oo dhammeystiran.
Sawirro laga soo qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan markii la toogtay kaddib waxa uu ka muuqday isaga oo dhiig badan uu ka baxay isla markaana dhulka jiifo, waxaana ku hareereysan xubno kala duwan.
Warbaahinta NHK ayaa sheegtay in markii la maqlay dhawaqa Xabadda iyo kolkii uu sii dhacayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe aanay qadar badan u dhaxeyn, taasina ay muujineyso in meel aan fogeyn laga toogtay.
Ilaa haatan lama garan cidda toogatay Shinzo, saraakiisha Ciidamada ammaanka Japan ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin baaris ku saabsan in ay ogaadaan cidda ka dambeysa, waxaa socda su’aalo la weydiinayo Dad loo qabtay Kiiskaan oo aan laheyn tiradooda.
Shacabka Japan ayaa Dowladdooda ka sugaya warbixin dhammeystiran oo ku saabsan xaaladda Ra’iisul Wasaarihii Dalkaas maamulka u hayay December 2012 Ilaa September 2020 iyaga oo ku xusuusto waxqabadkii uu sameeyay muddada uu xilka hayay.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…