WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Amiirka Suuxsana 20 sano oo geeriyooday

Amiirka Sacuudiga ee Alwaleed bin Khalid bin Talal Al Saud, oo loo yaqaannay “Amiirka Hurda,” ayaa geeriyooday, isagoo 35 jir ah, kadib markii uu in ka badan 20 sano ku jiray xaalad suuxdin ah (koma) oo uu galay sanadkii 2005.

Amiirkan ayaa dhaawac maskaxeed halis ah soo gaaray xilli uu arday ka ahaa kulliyadda ciidamada, isaga oo galay shil gaari.

Tan iyo markaas wuxuu ku jiray daryeel caafimaad oo joogto ah, waxaana xaaladdiisa la socday shacabka Sacuudiga iyo guud ahaan dunida Carabta, isagoo astaan u noqday dulqaad iyo rajo caafimaad.

Aabihiis, Amiir Khalid bin Talal, ayaa xaqiijiyay geeridiisa, isagoo qoraal murugo leh ku baahiyay baraha bulshada, Allena uga baryay inuu naxariistiisa siiyo wiilkiisa.

Warar soo baxayay billaawgii sannadkaan ayaa sheegayay in Amiir Alwaleed uu ka soo kacay suuxdinta, balse qoyska boqortooyada Sacuudiga si rasmi ah u shaaciyay geeridiisa.

Geerida Amiir Alwaleed ayaa muujisay rajada qoyskiisa gaar ahaan Hooyadii iyo Aabe ka qabeen inuu in ka badan 20 sano ka soo kaco Suuxdinta.

Mustaqbal

 

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

6 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

9 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

12 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

12 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

13 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

13 hours ago