Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Raas-Casayr ee Dowlad-goboleedka Puntland ayaa amray in la baaro, lana soo celiyo hubkii fududaa ee laga dejiyay Markab lagu magacaabo Sea World, kaasoo lagu qabtay biyaha xeebta degmada Bareeda, gobolka Raas-Casayr, 18-ka Luulyo 2025.
Sida ku cad qoraalka rasmiga ah ee xeer-ilaalintu u dirtay Taliska Booliiska gobolkaas, markabkan oo laga leeyahay dalka Comoros ayaa siday hub qayb ka mid ah gacanta u galay dad shacab ah ku sugna degmooyinka Bareeda iyo Caluula.
Laamaha amniga ayaa lagu wargeliyay in si degdeg ah loo bilaabo baaritaan buuxa oo lagu ogaanayo cida mas’uulka ka ah in hubka gacanta u galo dadka rayidka ah.
Puntland ayaa sidoo kale billaawday baadhitaanno iyo tirokoob ku saabsan hubka saaran Markabka Sea World oo hadda ku xiran dekedda Boosaaso.
Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay lahaanshaha hubkan culus, iyada oo isha lagu wada hayo tillaabada Puntland qaadi karto iyo sidoo kale warka dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…