GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo mar kale maanta la kulmaya Xubnaha Mucaaradka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa in mar kale uu dhageysto tabashada xubnaha Mucaaradka ee ku midoobay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Kulanka maanta ayaa lagu cillaamiyay wareegii labaad ee wada hadallada, kuwaasi oo qabsoomay 3 bishaan.

Madasha Mucaaradka oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore, Shariif Shiikh Axmed ayaa ka kooban, Ra’iisul wasaarayaashii hore iyo Madax kale.

Shirka maanta ayaa la filayaa in lagu sii wado doodaha la xiriira Dhammeystirka Dastuurka iyo Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Lama oga wax yaabaha ka soo bixi kara shirkaan, iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha Mucaaradka Dowladda.

Kulanka wuxuu ku soo aadaya xilli maamulada Puntland iyo Jubbaland ay diidan yihiin nidaamka wax ka badalka Dastuurka dalka iyo jiheynta Doorashooyinka.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

4 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

5 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

8 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

8 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

8 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

20 hours ago