Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta mar kale la kulmay xubnaha Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda dalka ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka iyo arrimo la xiirira wax ka badalka Dastuurka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku soo hadal qaaday maqnaashiyaha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee shirarka golaha wada-tashiga qaran.
Labada dhinac ee Villa Soomaaliya iyo Xubnaha Mucaaradka weli wax faahfaahin ah kama bixin shirka iyo qoddobada ka soo baxay.
Madasha Mucaaradka oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore, Shariif Shiikh Axmed ayaa ka kooban, Ra’iisul wasaarayaashii hore iyo Madax kale.
Madaxweyne Xasan Shiikh isku dayaya inuu xalliyo tabashada xubnaha Mucaaradka Dowladda.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…