Iyada oo Koox hubeysan ay saaka weerar ku qaadeen Xarun uu leeyahay Wadaad lagu magacaabo C/wali Sh. Cali Cilmi oo ku taalla Magaalada Gaalkacyo ayaa weerarkaasi waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabab.
War ka soo baxay AL-shbaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas loogu talagalay wadaadka in lagu dilo, sida ay sheegtay Al-shabaabna ay ku guuleysteen dilkiisa.
Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo gaarayay 4, sida uu sheegay Wariyaha Idaacadda Mustaqbal ee Gaalkacyo,waxaana wali socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Danab iyo Kooxda weerarka ku qaadday xarunta halkaas oo ay wali ku dagaallamayaan.
Sheekh C/Wali ayey dhawaan Culimada qaarkeed ku eedeeyeen in uu gef galay,waxaana ka mid ahaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo sheegtay in Ninkaasi uu xadgudbay.
Cabdiweli SHeekh Cali Cilmi Faarax waxa uu muddo kudhow 3 sano kulahaa koofurta magaalada Gaalkacyo xarun ay ku xareysnaayeen dhallinyaro Rag iyo dumarba leh oo ay waalidkood ku eedeeyaan Cabdiweli in uu duufsaday Carruurtooda.
Waxa ay u muuqataa in Cabdiweli uu kusoo jiidanayo dhallinayarada nuuca Nasrada loo yaqaan oo ay leeyihiin dadka qayila ee marfishyada fariista qaarkood.
Muuqaalkan oo Bog Youtube ah la soo geliyey lagana duubay xarunta Cabdiweli Sh. Cali ayaa muujinaya dhallinyaro badan iyo Cabdiweli oo sacab iyo durbaan lagu laray.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…