Kenya iyo Masar oo iska kaashana amniga Somaliya

Madaxweynaha Dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Kenya,wax yaabaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa iskaashiga Ganacsiga,Amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Waxaa kale oo ay isla soo qaadeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen taageerada Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan.

Madaxweynaha Masar  C/Fataax Al Sisi ayaa sheegay in dowladda Masar ay Kenya ka taageereyso dagaalka lagula jiro Al-shabaab islamarkaana ay ka hortagayaan in ay ku fidaan Gobolka.

Dowladda Kenya ayaa 2011kii ciidankeeda soo gelisay Soomaaliya,waxaana ay ku sheegtay in ay ka hortageyso Al-shabaab, laakiin weerarro ka dhacay gudaha Kenya ayaa waxa aku dhintay boqolaal qof oo rayid ah,kuwaas oo ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab.

Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in sidoo kale isaga iyo Uhuru Kenyatta iska kaashanayaan nabadeynta Dalka Koofurta Suudaan oo lagu wado in dhawaan ay ka howlgalaan Ciidamo ka socda Urur Goboleedka IGAD,kuwaas oo ka kala imanaya dalalka Soomaaliya,Jabuuti,Suudaan, Uganda iyo kuwo kale.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

29 mins ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

44 mins ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

1 hour ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

15 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

17 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

20 hours ago