Wasiir Bayle “$41 Milyan ayay u xayiran tahay Daabacaadda lacagta cusub”.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ka hadlayay lacagta cusub ee dowladda soo bandhigtay xiliga lasoo saarayo ayaa sheegay in ay u xanniban tahay $41 Milyan oo Doolar.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in shuruudo dhowr ah oo la hordhigay Soomaaliya ay kasoo gudbeen, balse kaliya ay sugayaan lacagta lagu daabacayo.

Mar la weydiiyay lacagtaas in ay Dowladda federaalka ay dabari karto, waxa uu sheegay in lacagaha loogu talagalay socod siinta Dowladda ee lagu kabo Miisaaniyadda aan lagu bixin karin.

Dadaalo ku saabsan sidii loo heli lacagtaas ayuu tilmaamay in Madaxda Dowlada federaalka ay wadaan, iyaga oo Dalalka taageera Soomaaliya kala hadlay.

Isticmaalka lacagta shillin Soomaaliga waxaa kaliya ka haray kunka shilin (1000 Sh.so), Bartamaha Soomaaliya lagama isticmaalo, halka deegaanada qaar laga isticmaalo mid dalka lagu sameeyay.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay usoo bandhigtay naqshad lacageed ka weyn kunka shillin oo ugu weynaa lacagihii la isticmaalay muddo dheer.

Wasiir Bayle oo Wareysi siiyay Idaacadda VOA ayaa sheegay in rajadoodu tahay soo saarista Lacagta Cusub ee shillin Soomaaliga ah.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

11 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

16 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

18 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

18 hours ago