Al-shabaab oo sheegatay in 10 ka mid ah ciidanka dowladda ku dishay Sh.hoose

Dhaq dhaqaaqa AL-shabaab ayaa sheegay in toban Askari oo ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku dileen Gobolka Shabeellaha hoose.

Waxa ay sheegeen in dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa Dhanaane iyo Jaziira oo ka tirsan Shabeellaha hoose ay ku dileen Ciidamo ka mid ahaa dowladda Soomaaliya.

Al-shabab waxaa ay sheegtay in dagaal ka dhacay Waddada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka ay ku dileen lix ka mid ahaa Ciidamada Dowladda.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in qarax miino oo ka dhacay isla degaankaas ay ku djinteen shan Askari,kuwaas oo saarnaa gaariga qaraxa lala beegsaday.

Al-shabaab ayaa ku faantay in ay gacanta ku dhigtay Gaari ciidan oo uu saaranyahay qori nooca Lidka diyaaradaha ah.

Ma jirto cid ka madaxbanaan Al-shabaab oo xaqiijisay sheegashadooda sidoo kale dowladda Federaalka ah kama hadlin warka Al-shabaab ee sheegaya in askar ka badan 10 ay ku dileen Shabeellaha hoose.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

11 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago