Aas aasayaashii Instagram oo isaga tagay sharikadda.

Labada Nin ee aas aastay Sharikadda lagu wadaago Sawirrada ee Instagram, oo kala ah; Kevin Systrom iyo Mike Krieger,ayaa ku dhawaaqay in ay isaga tagayaan sharikaddaas oo ay gacanta ku hayeen 8dii Sano ee la soo dhaafay.

Sharikaddan waxaa sanadkii 2012kii iibsaday Facebook,waxaana ay kala baxday $1Bilyan oo dollar,waxaase maamulkeeda siihayay raggii sameeyay.

Wajira war sheegaya in labada Nin iyo Sharikadda Facebook uu khilaaf soo kala dhexgalay,kaas oo aan ilaa hadda la sheegin.

Instagram waxaa ay leedahay 1Bilyan oo Rukun ah hadda,waxaana ay ka mid tahay sharikadaha baraha Bulshada ee aadka loogu tixanyahay.

Muranka ugu badan ayaa ka dhashay app ay soo kordhisay Instagram oo lagu magacaabo IGTV,kaas oo oggolaanaya in muuqaallo dhaadheer lagu daabaco sida Youtube,waxaana Facebook ay ku doodeysaa in magaca ay iyada yeelato,maaddaama wax soo saarka leedahay.

Waxaa kale oo dhacday in App-kaas uu sahlay in muuqaallo Galmo ah oo Carruur sameynayaan la geliyay,taas oo ay dhaleeceyn kala kulantay Facebook,maaddaama ay iyada leedahay Istagram.

Facebook ayaa sanadkan la kulantay dacwado badan waxaana ka mid ahaa dhacdadii Cambridge ee lagu xaday xogta Rukunka.

Facebook ayaa intii ay ku jirtay dacwaddaas,waxaana ay ku bixisay $58Bilyan oo doollarka Mareykanka ah,waxaana ay lacagtaas uga baxday  Qareennada iyo kiisaska dacwada.

Labada Nin ee ka tagay Instagram ayaa si hoose looga dusiyay in ay ku howllanyihiin abuurista sharikad kale oo suuqa kula tartami karta Facebook oo wadata Instagram,Massanger,Whats App iyo kuwo kale oo ay horay u iibsatay.

Mustaqbal media

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

9 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

11 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

14 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

15 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

16 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

16 hours ago