Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa maalinta Berri ah oo Axad ah waxaa ka dhacaya doorashada Madaxtinimada .
Madaxweynaha hadda talada haya waxaa uu talada kala wareegay aabihii oo uu dilay waardiyihiisii gaarka ahaa sanadkii 2001dii.
Waxyaabaha sida gaarka isha loogu hayo
1-Tan iyo madaxbanaanidii dalkaas ee 1960kii, xitaa hal mar awoodda si nabad gelyo ah laguma kala wareegin.
Madaxweynihii ugu horreeyay dalkaas Joseph Kasavubu, bil kaddib madaxbanaanidii waxaa ay is qabteen Ra’isalwasaarihiisii Patrice Lumumba.
Lamumba 1961dii ayaa shaqada laga eryay,waxaana faragelin uu Belgium-ka oo dalkaas gumeystay dalka ku sameeyay Ra’isalwasaarihii loogu gacangeliyay Mucaaridka,kuwaas oo inta dilay meydkiisana ku shiilay aashito.
1965tii waxaa dalka Afgambi kula wareegay Taliyihii Milatariga dalkaas Mobutu Sese Seko, oo noqday Maadxweynaha Congo.
32 Sano kaddib 1997dii ayaa isaguna waxaa afgambiyay Laurent Kabila, oo taageero ka helayay dalalka deriska, isagiina waxaa la toogtay 2001dii markaas oo uu xabad ku dhuftay Askari waardiye u ahaa,waxaana xilka la wareegay Madaxweynaha hadda Joseph Kabila, ahna wiilka Laurent Kabila.
Doorashada Berri dhaceysa dad badan waxaa ay sheegayaan in aysan rajo badan ka qabin in isbeddel dhinaca hoggaanka ah keento,haddii aysamba qalalaase abuurin.
2-Dhulka Tujaarta
Inkasta oo dadka Dalka Congo ku badan tahay baahida iyo macluusha haddana dhulkooda waxaa ka buuxda Macdanta cobalt, oo ay leeyihiin 50% macdantan inta adduunka ku jirta.
Waxaa loo adeegsadaa macdantan dab dhalinta, Gaadiidka Korontada ku shaqeeya iyo Batariyada dabka dhaliya iyo Taleefannada.
3-Waa dhul aad u weyn.
DR Congo waxaa ay la egtaya Gobolka Mainland ee Galbeedka Europe,waddooyinka oo aan dhismo fiican lahayn ayaa ka dhigay mid adag in la isu kala gudbo, mana jiraan Waddooyinka isku xiraya Galbeedka iyo Bariga DR Congo.
4-Dab laga dhaliyay Batari ayey adeegsanayaan Guddiga doorashada.
In badan oo ka mid ah dhulka DR Congo mala biyo iyo Koronto, Dadka codeynaya waxaa ay codkooda ku ridi doonaan Mashiin ku shaqeynaya Batari dab dhaliye ah, maaddaama aysan jirin Koronto awood leh.
5-Dagaalka iyo Ebola
Bariga dalka DR Congo waa halka ugu daran ee ay saameeyeen colaadaha,waxaana ka jira malleeshiyaad kala duwan, sidoo kale Guddiga doorashada ayaa amaan darro iyo cudurka Ebola dartood dib u dhigay codeynta Gobollada Bariga ah.
Tan iyo August 265 qof ayaa u dhintay Cudurka Ebola iyada oo kiisas kabadan 1,000 qof la soo wariyay.
Isha: BBC Focus on Africa.
Turjumay: Adam Ibrahim Farah (Showqi).
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…