GUDAHA/wararka

3; sano oo war la’aan ah kaddib MW Xasan Sheekh waxa uu la kulmay dhallinyaradii lagu waayey Eritrea!

Sida ay Shaacisay Wasaaradda Warfaafinta dalka Eritrea; madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud; oo uu wehliyo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed ku arko dhallinyarada Warkooda la waayey waxa uu ku tegey goob dowladda Eritrea; ku diyaarisay dhallinyaradaas oo Warbaahinta Eritrea; sheegtay in ay tababar Military qaadanayeen muddo 3; Sano ah.

Sida ay Sheegtay Warfaafinta Eritrea; madaxa tababartayaasha ee dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqnaa dalkaas ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Faahfaahin kooban ka siiyey tababarka isaga oo u sheegay madaxweynaha in ay qaateen tababar ciidan oo ku habboon islamarkaana ay Waaya-aragnimo kusaabsan dhimaha dowlad iyo dal mideysan ka heleen dadka iyo dalka Eritrea! ayna diyaar u yihiin in ay gutaan Waajibka Waddaniga ah ee ka saaran dalkooda Soomaaliya.

Warfaafinta Eritrea’ waxa ay sidoo kale shaacisay in madaxweyne Xasan Sheekh ugu hambaleeyey tababartayaasha in ay si guul ah ku dhammeysteen tababarka ayna tahay in ay qayb waxtar leh ka noqdaan ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ayna rumeeyaan rejada iyo riyada dadka iyo dowladda Soomaaliya, waxa ayna tababarkan ciidan ku sheegtay in uu ahaa mid aad u adag una culus, Website-ka Borkena oo isna ka hadlay tababarka ayaa sheegay in tirada tababartayaashu ay tahay 5,000, tababarkuna socday 3 sano oo xiriir ah.

Isha Sawirka: Wasaaradda Warfaafinta Eritrea

Inkasta oo aan taliyuhu weli ka hadal arrintan islamarkaana uusan bixin wax cudur-daar ah haddana waxa ay u muuqatay in Taliyuhu uusan hayn wax xog ah balse uu Golasha shacabka siiyey Jawaab aan sugnayn

Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin Daahir) agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo ka hadlay arrintan isaga oo jooga dalka Turkiga June-2022 ayaa xaqiijiyey in ay jiro ciidankaas islamarkaana ay qortay hay’adda NISA

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay isaga oo xilka wareejinaya waxa uu sheegay in uu jiro ciidan Dowladdu tababar ugu dirtay dalka Eritrea.

Mustaqbal Media, Borkena News & MOIE

General Editor

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

13 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

17 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

17 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

18 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

19 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

19 hours ago