GUDAHA/wararka

Qaramada Midoobay: “Kumanaan Carruur ah ayaa u adkeystay xadgubyo naxdin leh oo ka dhacay Goobaha Colaadaha”.

Kumanaan Carruur ah ayaa u dhabar adeegay dhibaatooyinka ka dhashay Rabshada ka jira Soomaaliya, Afgaanistaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC), Deegaannada Israel ay ka heysato Falastiin, Suuriya & Yemen.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dhammaan goobahaas ay ka dhaceen xadgudubyo kala duwan sida dhibaateynta carruurta & in la askareeyo si ay qayb uga noqdaan rabshada ka jira.

Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigtay qiyaas muujineysa tira-koob ka badan 24,000 (Labaatan & afar kun) oo xaalado ah oo ka dhan ah Carruurta oo si cad uga hor imaanaya Shuruucda Caalamiga ah ee lagu difaacayo.

Qiyaastaas marka celcelis loo sameeyo waa 65%, Dilka & Naafeynta waa dhibaatada ugu badan ee joogtada noqday iyada oo la iska indha-tirayo ilaalinta sharafta iyo xuquuqda ay leeyihiin Carruurta lagu sheegay warbixinta.

Xog uruurintaan la sameeyay 2021kii ayaa lagu soo bandhigay bogga Qaramada Midoobay iyada oo dhacdadaan Dadka lagu xusuusinayo xaaladda dhabka ah ee ka taagan Ukraine oo carruur ku nool ay ku biiraan dhibanayaasha Liiskaan horay u galay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lala xisaabtamayo Dadka ku eedeysan in ay qayb ka yihiin naafeynta, askareynta iyo dhibaateynta Carruurta maadaama ay geysteen xadgudubyo ay ku muteysanayaan ciqaab.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

14 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

18 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

18 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

19 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

20 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

20 hours ago