Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya waxaa 3:30pm galabnimo waqtiga geeska afrika ku kulmaya Xulalka 23-jirada Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya lug kamid ah Isreeb-reebka ciyaaraha olombikada 2020-ka lagu qabanayo Magaalada Tokyo ee Xarunta Japan.
Xulka Soomaaliya ayaa sacadihii lasoo dhaafay helay dhammaalo u badan dhiira-gelin, si ay lugta hore ugu yaraan natiijo wanaagsan ugu helaan Xulka Itoobiya oo gurigooda ku dheelaya.
Lugta labaad ayaa lagu dheelayaa wadanka Jabuuti, maadaama Ciyaaraha Soomaalida guri ahaan ay ugu dheelaan Dalka Jabuuti sababo Amni Awgii.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Xubno ka socda Safaaradda Soomaalida ee Itoobiya ayaa xalay kulan casho ah u sameeyay Ciyaartoyda 23-jirada ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhammaan furan uu u diray Ciyaartoyda Soomaalida ee ku mataleysa isreeb-reebka tartanka Olombiyada 2020-ka ku dhiira-geliyay in ay guul kasoo hoyaan Ciyaarta.
Waxa uu kheyre sheegay in Shacabka iyo mas’uuliyiinta Dowladda ay garab taagan yihiin Ciyaartoyda Soomaalida ee lagu neynaaso Xidigaha Badweynta ee (Ocean Stars).
Marka la eego Ciyaaraha Soomaalida, muddooyinkii dambe isbadal ayaa ku imaanayay, waxaana dadka falanqeeyaha Ciyaaraha ay ku sababeeyeen hormarka laga sameynayo kubadda.
Tartamo kala duwan ayaa la qabtay oo ay kamid yihiin Koobka Horyaalka, Kan Dowlad Goboleedyada iyo midka Degmooyinka Gobolka Banaadir, taasine waxa ay keentay in laga dhe xusho Ciyaartoy.
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…