Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Cadale u tagaya daminta dagaal Beeleed.

Xildhibaan Maxamed Cabdulle Maxamuud Batalaale oo katirsan Hir-Shabeelle oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin Degmada Cadale oo ay shalay ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed.

Xiisadda Colaad beeleedkan Waxa uu sheegay in ay soo jiitameysay Labadii sano ee lasoo dhaafay, balse laga gaabiyay dhameenta.

Xildhibaan Batalaale ayaa sheegay in uu ku jiray Xildhibaanno horay u qabyeeyay Gogasha lagu heshiisiinayay Labadaan Maleeshiyo beeleed, hase yeeshee madaxda Hir-Shabeelle ay ka gaabiyeen in la dhameystiro.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu tilmaamay in ay ku bixisay lacag dhan $150,000 (Boqol iyo Konton kun oo doolar), kaliya la isticmaalay $50,000 (Konton kun oo doolar), boqolka soo harayne aan ka war heyn halka ay ku dambeyso.

Ciidamada Burundi oo ah qaybta 5-aad ee AMISOM, kana howlgala Hir-Shabeelle ayuu sheegay in ay ka codsadeen in ay kala dhexgalaan Maleeshiyo beeleedkaan.

Ciidamo katirsan Militariga Soomaaliya oo horay loo kala dhexgeeyay Labada Maleeshiyo Beeleed waxa uu sheegay in ay iska tageen, kadib markii ay waayeen Mushaar sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Maxamed Cabdulle Maxamuud Batalaale ayaa sheegay in Odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Cadale ay kala kaashan doonaan sidii xal loogu heli lahaa dagaal beeleedkaan.

Madaxweyne Ku xigeenka Hir-Shabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, Xildhibaanno iyo Odoyaasha dhaqanka ayaa ku baaqay in shuruud la’aan loo joojiyo colaadda u dhaxeyso labadaan Maleeshiyo beeleed oo dhul isku heysta.

Dad ka badan 10 qof ayaa ku dhintay iska hor imaadkii shalay ka dhacay Degmada Cadale, waxaana barakacay qaar kamid ah dadka tuuladii lagu dagaalamay ku noolaa.

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

12 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

15 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago