Xildhibaanno kulamadii u dambeeyay ee Baarlamaanka soo muuqday, iyagoo sameynaya buuq iyo fowdo ayaa muddo kooban laga mamnuucay kulamada wadajir ah ee labada aqal.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshir Abshirow ayaa lagu amray Xildhibaannada soo socda in aysan muddo 12 kulan oo xiriir ah imaan karin kulamada.
Xildhibbannadaasi ayaa waxaa kamida ah:-
Ugu dambeyn, Taliska Amniga ee Golaha Shacabka ayaa la faray in uu dhaqangaliyo go’aankan si waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale, Wareegto uu dhankiisa soo saaray Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan ayaa lagu caddeeyay in Senetar Ibraahim Awgaab inuusan fadhiyada wadajirka ah ee Baarlamaanka muddo 12 kulan ah.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…