GUDAHA/wararka

Cabdiraxmaan Cirro oo qiray in ay culays ku noqotay tallaabooyinka Dalal badan ay ku diideen aqoonsiga uu ka raadiyay Israa’iil

Madaxweynaha Maamulka Gobollada Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo bixiyay Waraysi soconayay ku dhowaad Nus saac oo intiisa badan wax looga waydiiyay aqoonsiga uu ka raadiyay Israa’iil ayaa qiray in uu culays badan soo koray Maamulkiisa.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Dalalka Carabta iyo Afrika oo markii hore si gaar ah ula tacaamuli jiray ay dib uga durgeen Maamulkiisa maadaama uu Aqoonsi ka baadigoobay Israa’iil oo dhiig badan ku daadisay Bariga Dhexe.

Cirro ayaa xusay in uu jeclaan lahaa in Dalalka Carabta, Afrika iyo kuwa kale ee diidan Aqoonsiga uu sheegay in Maamulkiisa uu ka helay Yuhuudda ay si hoose u eegaan Gobollada uu maamulo Maamulkiisa oo tabasho qaba sida uu ku dooday.

“Waan dareemaynaa diidmada Dalalka Carabta, Afrika iyo kuwa kale ee diidan Aqoonsiga aan is aqoonsanay Israa’iil oo dabcan labadeenna midba midka uga baahan in uu aqoonsado, waxa aan jeclaan lahaa in ay dib u eegaan Taariikhda Somaliland & waxa ka dhacay” Sidaasi waxaa yiri Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, Madaxweynaha Maamulka Gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Su’aal maamulka Cabdiraxmaan Cirro la hordhigo marweliba uu fagaaraha keenno in la gummaaday waa jawaabta uu ka bixinayo Xasuuqa Israa’iil ay ka gaysatay Bariga Dhexe oo ay ku dishay Kumanaan ruux isla markaana ay ku go’doomisay kummaan kale.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

6 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

9 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

11 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

12 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

13 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

13 hours ago