War-saxaafadeed ayaa laga soo saarey kulan ay saacadihii la soo dhaafay ay magaalada Qaahira ku yeesheen Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar.
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, horumarka iyo aragtida wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadda gobolka.
“Waxaan hoosta ka wada xarriiqnay in dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Tallaabooyinka sharci-darrada ah ee Israa’iil qaaday ee ku aaddan aqoonsiga gobolka Waqooyi ee Soomaaliya ee Somaliland, waxay jebinayaan qawaaniinta dagsan ee caalamiga ah, Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika” yiri MD Xasan Shiikh.
Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Arrintaan waxaa ay sii hurrineysaa xiisadaha, iyadoo abuuraya fursado ay ka faa’iideystaan kooxaha xagjirka ah ee ka macaasha xasillooni-darrada”. ayuu
Dhankiisa, Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Alsiisi ayaa adkeeyay ixtiraamka madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda istaraatiijiga ah ee horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.
Masar ayaa kamid ah dalalka sida dhow u taageera midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Mustaqbal
Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…
Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay…
Maleeshiyaadka Cabdicasiis Laftagareen ayaa saaka weeraray Saldhig Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka iyo Siyaasiyiinta ugu baaqay in ay…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…