Xildhibaan Odawaa: Dowladda dhexe kaalmadii dhaqaale waa ka goosatay Galmudug!

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ku daliilay dowlada Fadaraalka Soomaaliya in ay Kaalmihii dhaqaale ka soo goosatay Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Galmudug.

Xildhibaanka oo maalmahaan booqasho ku maray qeybo kamida deegaanada Galmudug sida Degmooyinka Dhuusamareeb,Cadaado,Gaalkacyo ee deegaano kala oo ka tirsan Galmudug ayaa eedeyn u jeediyey Madaxda Dowlada Fadaraalka Soomaaliya.

Odowaa oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in dowlada Fadaraalka Soomaaliya ay miisaaniyadii loogu talagalay Maamulka Galmudug jartay isla markaana mudo 6 bil ah aan lasiin wax dhaqaale ah Galmudug si uu hadalka u dhigey.

Cabdiraxmaan Maxamed Odowaa oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in mashaariic laga fulin lahaa deegaanada Galmudug ay dowlada Soomaaliya hakisay,waxa uuna madaxda Dowlada u sareysa ugu baaqay in wax laga qabto.

Odowaa ayaa sheegey in Galmudug oo ah halka laga soo doortay uu aaday xaqiiqo raadin uuna lasoo kulmay madaxda Galmudug iyo waxgaradka deegaanadaas.

Mustaqbal Radio

Mustaqbal media

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

2 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

2 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

2 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

14 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

16 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

17 hours ago