Xildhibaan ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka ka socda Gobolka Sool.

Waxay fahfaahin kasoo baxaysa dagaal beeleed dib uga soo cusboonaadey Koonfurta gobolka Sool, gaar ahaan degaan lagu magacaabo degaanka Dhumay.

Cooladdan oo u dhaxeysa malleeshiyaad Qaab beeleed u abaabulan  ayaa waxaa la sheegay inay salka ku hayso aanooyin iyo dilal hore, oo heshiisyo horey looga gaarey fuli waayay.

Inta illaa hadda la xaqiijiyay waxaa ku dhintay dagaalka sokeeye 17 qof, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhawacmeen, kuwaaso wararku ay sheegeen in la dhigay Isbitaalka magaalada Laasacaanood.

Labada dhinac ma ahan markii ugu horeysay oo dagaal uu dhexmaro, midka hadda socda ayaa qeyb ka ah dagaallo mudo soo jiitamayay, oo sababay khasaarooyin dhimasha, dhaawac iyo barakac xooggan.

Maamullada Puntland iyo Somaliland, oo dhinacyada dirirta u dhaxeysa ay dhex­degan yihiin ayaa lagu eedeeyay inaysan xil iska­saarin, islamarkaana muhiimad siinin xalinta colaadda dhiiga ku daadanaya.

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Puntland  ayaa baaqyo kasoo saarey colaadda, iyagoo ku baaqay xabad joojin deg deg ah, oo shuruud la’aan ah.

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

12 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

13 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

13 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

15 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

15 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

17 hours ago