Xildhibaan Farxiya Muumin “Buule Burde waxa ay u baahan tahay in go’doonka laga saaro”.

Xildhibaan Farxiyo Muumin Cali oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Deegaan Doorashadoodu tahay Hir-Shabeelle ayaa Mustaqbal u sheegtay in go’doonka Saaran Degmada Buule Burde uu saameyn ku yeeshay dadka Degmadaasi.

Waxa ay soo jeedisay in laga wada shaqeeyo sidii dhibaatada ka jirta Magaalada oo ay ugu horeyso Xannibaadda Al-Shabaab ay saareen looga saari lahaa.

Tusaale waxa ay usoo qaadatay in ay ka xanniban tahay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne, taasina ay leedahay Saameynteeda.

XIldhibaan Farxiya Muumin ayaa intaa ku dartay in Wax soo saarka Beeraha uu sarreeyo, balse caqabadda jirta ay tahay in aysan u iib geyn karin Suuqyada ka baxsan Degmada.

Xildhibaanad Farxiya; waxa ay tilmaamtay in Odoyaasha dhaqanka ay kala hadashay sida looga gudbi karo Fatahaadda Wabiga uu ku sameeyo Magaalada Buule Burde.

Xildhibaanada Hir-Shabeelle ee kasoo jeeda Degmada ayay sheegtay in ay kaalin muuqata ay ka qaateen soo bandhiggidda Dhibaatooyinka lasoo dersay Dadka Degmada.

Ugu dambeyn waxa ay Xildhibaan Farxiyo Muumin Cali Mustaqbal Radio u sheegtay in ay Xakameyn u baahan yihiin qoysaska ka barakacay Colaadda iyo Abaarta ee degen Xeryaha ay ka dhisteen Buule Burde.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ku jira Fasax, waxa ay dib ugu laabteen Deegaan Doorashadooda si ay ula soo kulmaan Dadka ay ku matalaan Golaha Shacabka, si ay ugu daraan warbixinada ay gudbinayaan kolka uu furmo fadhigooda.

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

3 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

6 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

6 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

6 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

8 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

10 hours ago