Wararka ka imanaya degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay weerar cirka iyo dhulka ah lagu qaaday degaanka Jannaale.
Jannaale waxaa gacanta ku haya Xarakada AL-shabaab,iyaga oo la wareegay markii ay halkaasi ku weerareen Ciidamada Uganda oo saldhig kulahaa.
Howlgalka ayaa la sheegayaa in ay fuliyeen Ciidamo diyaarado ku dagay kaddibna uu dagaal ka dhacay degaanka.
Dagaalka intii uu socday ayaa sidoo kale la wariyay in ay jirtay duqeyn ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Khasaaraha ka dhashay weerarka xalay lagu qaaday lama sheegin ilaa hadda,waxaana sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in duqeyn ay dhacday.
Dowladda Soomaaliya iyo Mareykankuba wali kama hadlin weerarka Jannaale,Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegay in weerarkaasi ay fashiliyeen.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…