Xamsa Cabdi Barre oo noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu xilhaynta dheeraa ee Dalka soo maray burburka kaddib

Xamsa Cabdi Barre oo ah Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo la magacaabay 26kii June sanadkii 2022, ayaa noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee burburka dalka kaddib xilkaan haya lana shaqeeya Madaxweynaha Magacaabay.

Waxaa horay xilhaynta waqtiga dheer hayay Ra’iisul Wasaarihii 19aad ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo xilka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka hayay Febaraayo 2017 ilaa June 2020, wadarta uu xilka hayay waa 3 sano & 4 Bil.

Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiska Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka ah 3 sano iyo 5 bil waxa uu sidaasi ku galay diiwaanka Ra’iisul Wasaaraha ugu xilhaynta dheer ee Dalka soo maray tan iyo dowlad-dhiska Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Inta badan waxyaabaha koobay ama yareeyay xilhaynta Ra’iisul Wasaareyaashii dalka soo maray iyo Madaxweyneyaashii Magacaabay waa Khilaafaadka soo kala dhexgala, taasi waxaa ka dhallan jiray in Madaxweynuhu uu soo maro 3 Ra’iisul Wasaare.

Kol hore oo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre wax laga weydiiyay wadashaqaynta kala dhaxeysa Madaxweynaha 10aad ee JFS ee u magacaabay Xilkaan waxa uu ku sheegay in uu yahay mid wanaagsan isla markaana si wadajir ah uwada shaqeeya.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

11 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

14 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago