GUDAHA/wararka

Golaha Ammaanka oo sanad ku u kordhiyay Ciidanka ka jooga Xadka labada Suudaan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanad u kordhiyay ciidanka ka jooga Abyei oo ah xadka u dhaxeeya Jamhuuriyadda Suudaan iyo dalka ka go’ay ee Koofurta Suudaan si ay usii adkeeyaan nabadgalyada sida hadalka loo dhigay.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha labada Suudaan ee kala go’ay ayaa Golaha Ammaanka warbixin guud ka siiyay xaaladaha taagan, sida loogu baahan yahay muddo kordhin iyo in la ballaariyo ciidamada halkaas jooga.

Abyei oo qani ku ah Saliidda waxaa jooga ciidamo xiran summadda Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, ciidankaas waxa ay ku howlgalaan UNISFA si ay xal waara uga gaaraan is qabqabsiga xuduudeed ee Suudaan iyo Koofurta Suudaan.

Waqtigaan waxa uu u suuragelinayaa in ciidamadaan ay sii joogayaan Abyei ilaa Nofeembar sanadka soo socda 2026 oo lasii kordhin karo kahor iyo marka la gaaro waqti ahaan xiligaas uu ku siman yahay howlgalkooda sida warka loo dhigay.

Ciidanka Abyei jooga oo u badan Booliis waxa ay gaarayaan ilaa 4,000 waxaana loogu talagalay in ay ilaaliyaan dadka degen halkaas oo dhibbane u noqday is qabqabsiga muranka xuduudda ee Jamhuuriyadda Suudaan iyo Dalka ka go’ay ee Koofurta Suudaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

10 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

12 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

15 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

15 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

17 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

17 hours ago