Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka falceliyay hadallada ka dhanka ah Barnaamijka E-Visa ayaa sheegay in aanay loo dulqaadan Karin dad uu ku tilmaamay in ay faafinayaan hadallo ka dhan ah adeeggaas.
Mustaf Dhuxulow ayaa intaas ku daray in Soomaalida inteeda badan ay ogoshahay Barnaamijka E-Visa isaga oo ka digay hadallada dhaawaca u geysanaya Sumcadda Dalka maadaama Adeeggaan ay bixineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhuxulow ayaa xusay in aan laga aamusi Karin waxyaabaha ka dhanka ah barnaamijyada lagu muujinayo Soomaalinimada iyo awoodda Dowladda oo aanay marnaba lagu ciyaari Karin sida uu hadalka u dhigay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya.
“Qofka Soomaaliga ah waxyaabo uu ku ciyaari karo iyo kuwo uu san ka hadli karin ayaa jira, tusaale ahaan waxa uu dhihi karaa dhaqaalaha sidaan haloo dhigo balse dowladnimada, Haybadda, Sharafta & Karaamada ma dhaawici karo, ma ahan arrin lagu dhiirran karo, mana la isku dayi kari, barnaamijyada dalka isku keenaya maloo bareeri karo,” Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya.
“Waxa aan la soconaa dadka faafinaya, dadka shaqada waday & kuwa Taageera Probagand-da ka dhanka ah eTAS, waxa dhan waan la soconaa, waxaa halis ah mashaariicda qaranka ee Dowladnimada lagu ilaalinayo in meel fagaare ah lagu weeraro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Agaasime Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.
Hadalkaan Agaasime Mustaf Dhuxulow waxa uu noqonayaa Jawaabtii ugu horreysay ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya kasoo saartay hadallo inta badan qabsaday Baraha Bulshada oo ka dhan ah Dal ku galka Online-ka lagu dalbanayo.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…