Ugu yaraan 4 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Labo Doon oo ku rogmay xeebaha Dalka Liibiya kuwaas oo doonayay in ay gaaraan Qaaradda Yurub sida qorshaha socodkooda uu ahaa lagana soo xigtay mas’uuliyiin katirsan Qaramada midoobay.
Dadkaan ayaa u dhashay Dalka Bangladesh ee dhaca Koofurta Qaaradda Aasiya, kooxaha gurmadka degdega ah ayaa billaabay howlgallo lagu soo badbaadinayo Dadka kale ee doomahaas la socday si loo yareeyo khasaaraha diiwaangashan.
Bisha Cas Liibiya ayaa sheegtay in shaqaalaha gurmadka degdega ah ay xoogga saareen badbaadinta dadka kale ee doomahaas la socday ee 26 kamid ah u dhasheen Dalka Bangladesh, wadarta dadka saarnaa ayaa la sheegay in ay gaarayeen ilaa 100 ruux.
Doon labaad oo ay la socdeen ku dhowaad 70 qof uu u badan Muwaadiniin kasoo jeeda Jamhuuriyadda Suudaan ee Waqooyiga Qaaradda Afrika ayaa ku degtay Xeebaha Suudaan balse lama soo gudbin ilaa hadda dadka waxyeellada kasoo gaartay.
Shilkaan ayaa kusoo beegmaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay si nabadgalyo ah ay u gudbeen Tahriibayaal Soomaali ah kuwaas oo muuqaallo ay soo duubeen ku faafiyay baraha Bulshada inkasta oo halis ay ku galeen safarka badda.
Dalalka dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika ee safar ahaan udhow Qaaradda Yurub waxa ay noqdeen marinnada ay ka tahriibaan dad u badan Dhallinyaro oo isugu jira Rag iyo Dumar kuwaas oo kasoo jeeda Qaaradaha Afrika iyo Aasiya si ay u gaaraan Yurub.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…