GUDAHA/wararka

Wufuud hordhac u ah Madaxweyneyaasha Puntland & Jubbaland oo Muqdisho kusoo wajahan

Sida ay ku warrameen ilo kala duwan, Magaalada Muqdisho waxaa kusoo wajahan wufuud hordhac u ah Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ka qaybgalaya shirka Dowladda iyo Mucaaradka u dhaxeeya.

Ilahaan ayaa inoo sheegay in ugu horrayn ay soo hormarayaan ilaalada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni & kuwa Axmed Maxamed Islaam Madoobe waxaana ku xigaya Wasiirro iyo mas’uuliyiinta Madaxtooyada.

Guddiga Farsamo ee Dowladda Federaalka iyo Madasha Mucaaradka ah ayaa ka shiray sidii meel loo wada dhigi lahaa ciidankii dhowaan dib loogu celiyay Magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo inkasta oo aanay jirin xog faahfaahsan oo lasoo bandhigay.

Weli xubnaha Guddiga Farsamo sooma saarin haddii ilaalada Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ay soo wadanayaan ilaalo aan ka badnayn 50 oo 40 kamid ah ay ku hubaysna yihiin hubka fudud & in ay soo dirsanayaan ciidan lamid ah kuwii dhowaan dib loo celiyay.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

44 mins ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

4 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

5 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

6 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

6 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

7 hours ago