GUDAHA/wararka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Muqdisho ku toogatay Rag lagu eedeeyay in ay dilal ka gaysteen Caasimadda

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka Magaalada Muqdisho ku toogatay labo Nin oo ku eedeysan in ay horay u dileen 4 qof, waxaa lagu magacaabaa Cabdi Cabdulqaadir Maxamed oo la sheegay in ‘AS’ looga dhex yaqaanay Xuseen iyo Farxmaan Maxamuud Cabdinuur Aadan oo isna loo garanayay Xasan.

Maxkamadda Derajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa kahor inta aysan ku ridin xukunka Maanta raggaas lagu fuliyay waxa ay dhagaysatay Baarista Xeer Ilaalinta, dacwad oogista iyo difaaca qareennada Cabdi iyo Farxmaan.

Xabsiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xabsiga Dhexe waxaa ku xiran Rag lagu xukumay Dil toogasho ah kuwaas oo horay uga soo muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida waxa ay isugu jiraan Rag katirsan ‘AS’ iyo askar dishay Dad rayid ah iyo ciidamo kale.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

2 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

6 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

7 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

8 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

8 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

8 hours ago