Wasiiru dowlaha Maaliyada Xukuumada Somaliya, ayaa raali gelin ka biixyay hadal uu kulankii Isniintii ka yiri Baatlamaanka hortiisa, kaasoo dood ka dhex dhaliyay Golaha Shacabka iyo baraha Bulshadaba.
Maxamuud Xayir Ibraahim oo ka hadlayay Kulanka Golaha Shacabka ee maanta oo AJendihiisa uu ahaa Xisaab xirka Miisaaniyadda Dowladda sanadkii 2017-kii, ayaa soo hadal qaaday hadalkiisii uu ku daray dadka ku hadla Afka Maayga.
“ Hadalkii aan dhahay hadii si kale loo dhahay raali gelin ayaan bixinayaa xildhibaan fanax iyo saaxiibbadii kale ee sida kale ii fahmay” ayuu yiri Xayir.
Kahor inta aanu raali gelinta Bixin Wasiiru Dowlaha Maaliyada, Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo shir gudoonka kulanka ahaa, Kana mid ah dadka Afka Maayga ku hadla, ayaa Xayir faray inuu bixiyo raali gelin.
“ Shacabka soomaliyeed ee ku hadla Maayga waxay ka mid yihiin Shacabka aad wasiirka u tahay sidaa daraadeed waa inaad raalli gelin bixisaa wasiir” ayuu yiri Gudoomiye Mursal.
Si Kastaba, Kulanka maanta ee Golaha Shacabka oo ay soo xaadireen 156 Xildhibaan, ayaa inta aanu bilaaban ka hor waxaa xubinimo Xildhibaan loo dhaariyay Wasiirka Qorsheynta Somaliya Xildhibaan Jamaal Xasan Maxamed, maadaama uu ku soo baxay doorashadii ka dhacday Garoowe.
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…