Wasiirrada cusub oo maanta la dhaariyay

Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka Soomaaliya,ayaa maanta dhaariyay xubnaha cusub ee ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Xukuumadda Xasan Cali Kheyre kuwaas oo dhawaan la magacaabay.

Xubnaha maanta la dhaariyay ayaa Sabtigii loo magacaabay in ay ka mid noqdaan Golaha Wasiirrada waxaa ay kala yihiin  Afar wasiir,hal Wasiiru dowle iyo hal Wasiir ku xigeen.

Munaasibadda Dhaarinta Xubnaha ayaa waxaa ay ka dhacday Xarunta Golaha shacabka waxaana goobjoog ahaa Guddoomiyaha Golaha shacabka,ku xigeenkiisa 1aad, Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda iyo qaar ka mid ah xubnaha kale ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in xubnahaan cusub ay qeyb ka yihiin barnaamijka dardar gelinta xukuumada.

“ Mudane guddoomiye waxa sharaf weyn inoo ah inan idiin soo gudbino lix masuul oo golaha wasiirada ku soo biiray oo afar ka mid ah ay halkaan joogaan, mudane guddoomiye masuuliyiintan maanta la dhaariyay waxa ay qeyb ka tahay dargelinta barnaamijka weyn ee xukuumada iyo in dhiig cusub lagu shubo si loo gaaro hadafka xukuumada” ayuu yiri Ra’isal Wasaare ku xigeenka xukuumadda.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay iney si sax ah shaqadooda u gutaan.

“ Golaha shacabaka waxa uu furmi doonaa 10-ka September wasiirada xildhibaanada ah waxa ka rabnaa iney kulamada golaha soo xaadiraan oo ay labada shaqo si wanaagsan u gutaan” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Mudanayaasha maanta la dhaariyay waxa ay kala yihiin:-

1. Mudane C/llaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare.

2. Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

3. Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.

4. Mudane Saqar Ibraahim Cabdalle Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.

Dhanka kale Guddiga joogtada ee golaha shacabka BJFS ayaa maanta warbixin ka dhageystay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka.

—DHAMMAAD—

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

10 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

12 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

13 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

17 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

20 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

20 hours ago