Wasiirrada arrimaha dibadda Dalalka Eritrea iyo Itoobiya ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta kale ee ka qeybgashay soo dhaweyntooda waxaa ka mid ah Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar.
Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta qaabilay soona dhaweeyay.
Wasiirradan oo wada saarnaa Diyaarad ay leedahay Dowladda Itoobiya ayaa waxa qaabilay saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Ujeedada safarkooda wali si rasmi ah uma shaacin dowladda Soomaaliya,waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay kulan la qaataan madaxda ugu sarreysa dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dowladaha Itoobiya iyo Eritrea waxaa ay la gashay heshiisyo iskaashiga amaanka,dhaqaalaha, Ganacsiga iyo horumarka la xiriira.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho 16kii June, Ra’isalwasaaraha Itoobiya kula saxiixday heshiis ay Itoobiya ku maalgashaneyso afar dekadood oo ay leedahay Soomaaliya, waxaa kale oo heshiiskaas ka mid ahaa iskaashiga dhinaca amaanka,horumarka, dhismayaasha Waddooyinka,fududeynta isu socodka Dadka labada dhinac.
Waxaa intaas dheer in Sharikadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay ku dhawaaqday in 41 Sano kaddib duullimaadkeedii ugu horreeyay uu imanayo Muqdisho 2-da Bisha November ee soo socota.
Dhinaca Dalka Eritrea,Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dheggiisa dalkaas 30kii July kula saxiixday heshiis ka kooban afar qodob oo ay ka mid ahaayeen iskaashiga dhaqaalaha,amaanka iyo xiriirka caalamiga ah.
Sidoo kale waxaa jirta in uu socdo dadaal lagu dhameynayo khilaafka dhinaca sohdinta ee u dhaxeeya Dalalka Jabuuti iyo Eritrea,kaas oo taagnaa dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…