Wasiirka Wasaradda Beeraha Soomaaliya & Safiirka Jaamacadda Carabta oo ku kulmay Muqdisho

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya, ku-xigeenkiisa iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Xamuud Bin Samraan Al-Xawiidi.

Waxa ay kawada hadleen wada shaqeynta labada dhinac, qorshe Dajinta shirka lagu wado in uu ka dhaco Masar ee looga hadlayo wax soo saarka Beeraha, deyn cafinta Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta iyo hirgelinta Mashaariic.

Wasiirka Beeraha Dhanka (Midig) iyo Safiirka Jaamacadda Carabta Dhanka (Bidix).

Safiir Xamuud ayaa sheegay in ay ka go’an tahay gacansiinta Beeraleyda Soomaaliyeed, si loo kobcinta wax soo saarkooda uu u wanaagsanaado.

Doorka ugu banaan ka jaamacad carab ahaan ayuu sheegay safiirka in ay ka qaadan doonaan si dhiira-gelin ay u helaan Beeraleyda.

Wasiirka Beeraha Dhanka (Midig) iyo Safiirka Jaamacadda Carabta Dhanka (Bidix).

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid waxa uu dhankiisa sheegay in qodob muhiim oo wax ku ool u ah Soomaaliya ay isku afgarteen Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Masar waxaa ka socda qaban-qaabada shir looga hadlayo Wax soo saarka Wadamada Xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, si ay usoo bandhigeen heerka uu gaarsiisan yahay Beerahooda, si loo caawiyo Dalalka liito kobaca wax soo saarkooda.

Mustaqbal Radio

Mustaqbal media

Recent Posts

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

2 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

2 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

7 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

7 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

9 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

9 hours ago