Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kaga qeyb galaya Shirka Dhaqaalaha Badaha.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta Dekadaha, Kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Sidoo kale Dowladda ayaa ka hadli doonto Kalluumeysiga Sharci darrada ah ee Badaha Soomaaliya ay ka sameynayaan Maraakiibta Shisheeye, iyo xoojinta sharci looga hortagayo arrintaas.

Madaxweyn Farmaajo ayaa mudada uu ku sugnaanayo Magaalada Nairobi kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxda ka qayb galeysa shirka.

Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyada oo ay ka soo qeyb gali doonaan in ka badan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda ah.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo Kenya gaaray
Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo oo Kenya ku sugan.
Madaxweyne Farmaajo saxiixaya Buugga Martida.
Soo dhoweyntii Madaxweyne Farmaajo
Mustaqbal media

Recent Posts

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

30 mins ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

6 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

6 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

8 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

8 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

8 hours ago