Wasiirka Wasaaradda Gaashiindhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) oo Muqdisho kula kulmay Saraakiil ka socota Midowga Yurub ayaa kala hadlay taageerista Ciidamada Dowladda federalka.
Si gaar ah waxa uu ugu dalbaday in ay kordhiyaan tababarada Ciidamada Dowladda ay siiyaan Macalimiinta Midowga Yurub ee Muqdisho ku sugan, Dowladaha ururkaan ku jirana ay bixiyaan waxyaabaha fududeynaya.
Wasiir Amar Dambe ayaa intaa ku daray in kaalin muuqda uu ururka Midowga Yurub ka qaatay tababarada iyo dhismaha Ciidamada Dowladda Federaalka.
Ururka Midowga Yurub ayaa ciidamada Dowladda ku taageera tababarada iyo helista Qalabka ay ku howlgalaan Ciidamada.
Dowlado ka madax banaan Midowga Yurub oo ay heshiis kula jirto Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyanne ka qayb gala tababarista Ciidamada, waxaana ka mid ah Turkiga.
Qubaro u badan la taliyaal Amni iyo Macalimiin Ciidan oo ka socda dalalka Xubnaha ka ah Ururka Midowga Yurub ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana la shaqeeyaa Saraakiil iyo Ciidamo kooban oo ay tababar siiyeen.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…