Deg deg Weerar ku bilawday qaraxyo oo ka socda Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug ayaa sheegaya in abaaro 6:00Am Aroornimo weerar ku bilawday Qaraxyo lagu qaaday Xarun uu lahaa Wadaad caan ka ah Magaaladaasi.

Illaa afar qarax ayaa laga maqlay xarunta gudaheeda, waxaana socoto rasaas toos ah sida dadka Magaalada ay u sheegeen Mustaqbal Radio.

Kooxdii weerarka qaaday ayay wararku sheegayaan in ay gudaha u galeen Xarunta, waxaana socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada ammaanka Magaalada Gaalkacyo iyo Kooxda gudaha gashay.

Xarunta Shiikh Cabdiwali ee la weeraray waxa ay ku taalaa Koofurta Magaalada Gaalkacyo oo ay maamulaan Maamulka Galmudug.

La soco wixii kasoo kordha.

Mustaqbal media

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

56 mins ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

3 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

3 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

4 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

18 hours ago