Maamulka deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud ayaa beeniyey wararka sheegaya halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo Beeleed oo halkaa wada daga.
Maadow Mxamed warsame Gudoomiye ku xigeenka deegaanka Kaxandhaale ee dhaca xuduudka Gobolka Galgaduud la wadaago Itoobiya ayaa waxkama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in halkaas dagaal ka dhacay,hadalka guddoomiye ku xigeenka ayaa yimid ka dib markii warbaahinta qaar ay qoreen in saaka dagaal u dhexeeya labo maleeshiya beeleed ka dhacay deegaanka Kaxandhaale.
Waxa uu sheegay in ay jiraan dad warbaahinta ku qoraya warar aan jirin hadana deegaanku daganyahay ciidamada Amniguna ay gacanta ku hayaan.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa yiri ”waxba dhibaataa oo kama jira malahan waa nabad galyo abnigu dad deegaanka qalqalka wada ayaa Wabsaydaya qora warkaan ”.
Deegaanka Kaxandhaale waxa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay labo maleeshiyo beeleed oo halkaa wada daga.
Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…
Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…