Wasiirka Geelle oo sheegay in uu la kulmayo Wariyayaasha

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in uu la kulmayo Wariyayaasha ka cabanaya hab dhaqanka Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay tacadiyo shalay loo geystay Wariyayaasha qaarkood ayaa sheegay in dowladda aysan raalli ka ahayn waxyeellada Warbaahinta madaxa banaan.

Waxaa uu ballanqaaday in uu la kulmayo Wariyayaasha islamarkaana wixii qaldan la saxayo si ay wada shaqeyn rasmi ah u dhexmarto Dowladda Federaalka ah iyo Warbaahinta Madaxbanaan.

Dhinaca kale Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur ayaa sheegay in Wariyayasha ay baahiyaan warar been abuur ah, sidaas darteedna aysan oggolaaneyn in  sameeyaan wixii ay doonaan.

C/Nuur ayaa sheegay in Madaxtooyada ay go’aanka iyada leedahay, sidoo kalena wararka Madaxtooyada la xiriira ay iyaga u dirayaan Warbaahinta.

Shalay ayaa Wariyayaal Xafiiska Madaxweynaha uu ku billamiyay Muqdisho looga baxay halkaas oo ay ku sugnaayeen ilaa duhurkii.

Waxaa kale oo iyana la xiray Labo Wariye oo tabinayay xirnaanshaha Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo shalay loo xiray Ra’isalwasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigayay Waddooyinka Muqdisho ku xira Jowhar iyo Afgooye.

Mustaqbal media

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

13 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

16 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

18 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

21 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

21 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

23 hours ago