Wasiir Bayle oo kormeeray xarumaha ay ka socdaan diiwaan galinta ciidanka Booliska.Sawirro,

Wasiirka Maaliyadda Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Xubno ka tirsan wasaarada Maaliyada ayaa maanta kormeeray Xarumaha ay ka socdaan diiwaan galinta Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Qoraal la soo dhigay barta Tweeterka Wasiirka Maaliya Xukumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu yiri”Maanta maamulka iyo shaqaalaha wasaarada Maaliyada Soomaaliya waxa ay sii wadeen diiwaan galinta xubno ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Muqdisho”.

Wasiirka Maaliyada Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo booqday halka diiwaangalinta ciidanku ka socoto.

Wasiirka Maaliyada ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimada ay u leedahey Xukumada diiwaan galinta iyo habaynta Ciidanka amaanka Soomaaliyeed”Dib u habeynta waaxda amniga ayaa ah muhiimadda ugu weyn ee lagu gaari karo hadafkeenada Qaran iyo Mustaqbalkeena si aan adeegno dalkeena” ayuu yiri wasiir Bayle.

Wasiirka Maaliya oo u koor galaaya sida ay socoto diiwaan galinta ciidanka Booliska Soomaaliya oo ee Muqdisho ku sugan.

Dhawaan ayay aheed markii Ra’iisul wasaare Kheyre oo hadlaayay ciidamo gadoodsanaa oo ka tirsanaa Malatariga Soomaaliya uu sheegay ciidanka ay diiwaan galin ku socoto cidii la diiwaan galiyana Xuquuqdooda ay hili doonaan.

Xarunta lagu diiwaan galino Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.

Xukumada uu hugaamiyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa wada qorsho lagu diiwaan galinayo qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo shaqaalaha Dowladda sida ay sheegtay Xukumadiisu.

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

7 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

10 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

12 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

12 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

14 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

14 hours ago