Hoggamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa lix bilood ku kordhisay xayiraad dhanka hubka ee dalka Sacuudi Carabiya, Tani ayaa timid kadib dilkii loo geystay wariye Jamal Kashoggji bishii Oktoobar sanadkii tagay 2018.
Xayirada ayaa waxaa kahor yimid xubno katirsan Dowlada Jaramalka iyo midowga Yurub,Balse waxaa taageeray kooxaha u doodad xuquda aadanaha.
Afhayenka Dowlada ayaa sheegay in xayirada la kordhiyay laga ay bilaabaneyso 31-ka March, iyada oo socon doonto ilaa 30-Ka Septewmber 2019-ka.
Xukuumadda Berlin ayaa dilkii Jamal Kashoggji loogu geystay qunsuliyada Sacuudiga ee Magalada Istanbul awgii u joojisay hubka ay u dhoofin jirtay Sacuudiga iyo dowladaha ku lug leh dagaalka Yemen.
Ilaa iyo 10,000 oo qof ayaa lagu qiyaasaayaa in ay ku dhinteen dagaalada Yemen tan iyo markii ay bilawdeen sanadkii 2015-kii Bsihii March.
Waana tan keentay in Berlin ay joojiso hubka ay ka iibineysay Boqortooyada Sacuudiga, maadaama Hay’ado kala duwan ay dalbadeen in ay aan isbaheysiga Sacuudiga laga iibin hubka ay u adeegsadaan dagaalka Yemen.
Todobaadka in ka badan 20-kooxood oo aan dowli ahayn ayaa ugu yeeray Angella Markel in ay xayiraada aysan ka qaadin Sacuudiga, Sababo la xiriira in hubkaas loo adeegsado xadgudubyo ka dhan ah Aadanaha.
Dowladda Jarmalka waxa ay fooqa sare ugu jirtaa dalalka hubka iibiya, waxaana Liiskaan kula lamaanan Maraykanka oo hogaanka u haya iyo wadamada Ruushka, Shiinaha,Fransiiska iyo Ingiriiska.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…